Daawo muuqaal Aqoon yahan CabdiCasiis C/llaahi Xuseen (Gaacir) oo bogaadiyey Ciidanka Soomaaliya iyo golaha Badbaado qaran oo ka hortagay xukun marooqsiga Kaligitaliye Farmaajo

30 April 2021 (Puntlandes) Aqoonyahan CabdiCasiis C/llaahi Xuseen (Gaacir) oo falanqeeya xaalada dalka isla markaana ka hadla xaaladaha cusub ee dalka ayaa shirjaaíd oo uu ku qabtay hoyga uu ka degen yahay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug waxa uu kaga hadlay xaalada carikaran ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Dr Gaacir ayaa bogaadiyey Ciidanka Soomaaliya iyo golaha Badbaado qaran oo ka hortagay xukun marooqsiga Kaligitaliye Farmaajo, isagoo ku amaanay inay difaaceen dastuurka iyo dawladnimada Soomaaliya.

Aqoonyahanka ayaa sidoo kale ka hadlay Xaaladda guud ee dalka iminka galay, wuxuuna ku adkeeyey Ciidanka iyo golaha Badbaado qaran inay sii wadaan difaaca dastuuska inta Farmaajo uu wado damaca qaldan.

Dr Gaacir ayaa uga digay Farmaajo wadada qaldan ee uu ku wado dalka, isagoo sheegay inuu Farmaajo waxa kaliya ee uu soo kordhigay ay tahay in baraha bulshada laga caayo masúuliyiinta soomaaliyeed iskana horkeenay beelaha soomaaliyeed.


Puntlandes.com

About The Author