Golaha Midowga musharixiinta oo war kasoo saaray Kulanka Bari Golaha shacabka

30 April 2021 (Puntlandes) Golaha Midowga musharixiinta ayaa war kasoo saaray Kulanka Bari Golaha shacabku umadlan yahay iyagoona uga digay in golaha shacabku qaado dibin daabyo lagu sameeyo Xasiloonida iyo geedi socodka doorashooyinka, sidii dhacday 12 April iyad oo ay tiro Xildhibaano qaateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.


Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, taasoo ay sheegeen in tallaabadan ay sahleyso dib u mideynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee u kala qeybsamay diidmada muddo kororsiga sharci darada ah.


Puntlandes.com

About The Author