Daawo waraysi dheer oo uu bixiyey Dr Gaas ugana hadlay xaalada dalka iyo doorashada

30 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland isla markaasna ah Ra´iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi dheer oo uu siiyay Universal TV uga hadlay xaalada murugsan ee dalku ku jiro gaar ahaan doorashada.

Dr Gaas oo ka hadlayey khudbadii farmaajo dhawaan jiidiyey ayaa yir “ …runtii khudbada laga filayey madaxweynaha , dhibaatadii dhacday, dadkii dhintay, qaxii, dagaaladii dhacay ayadoo ramadaan ah.. markaas oo kale qofka madxda ah waxa laga filaa dajin, dabacsanaan khudbad xambaarsan, mustaqbalka iyo geedisocodkana wado fiican oo la aadayo inuu dadka u sheego, ayaa la filayey laakiin ma aysan noqon, wuxuuna madaxweynuhu wali ku jiraa wax la yiraahda kiis iska waal oo wali waxaad moodaa inuu dhabihii la eeday ….”

Dr Gaas ayaa sheegay inuu Farmaajo intii uu xilka hayey la dagaalamay Federaalka uu dalku qaatay, wuxuuna yiri  “Madaxwena Farmaajo waxuu la dagaalamay Fedaralismka”

Puntlandes.com

About The Author