Ergeyga dalka Qatar oo maanta kulamo ka bilaabaya Muqdisho

02 May 2021 (Puntlandes) Ergeyga dowladda Qatar u soo magacawday Soomaaliya Dr Mutlaq Al-Qahtani oo shalay gaaray Muqdisho ayaa xalay kulamo kala gaar ah la yeeshay Fahad Yaasiin oo uu ku hormaray,Farmaajo iyo Rooble oo kulamo gooni gooni ah uu la yeeshay.

Ergeyga ayaa lagu wadaa inuu maanta kulamo la yeelanaya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda sida Mucaaradka, xubno ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada.

Dr Mutlaq Al-Qahtani ayaa xubnaha uu la kulmayo waxaa ka mid ah Midowga Musharaxiinta, kulankan oo caawa ka dhacaya Hotelka Decale ayaa noqon doona kii u horreeyay ee Mas’uul sare oo ka socda Qatar la yeesho Mucaaradka dowladda.

Lama oga ujeedka dhabta ah ee ka dambeysa kulamada uu la yeelanayo ergeygan dhinacyada siyaasada hase yeeshee waxaa kulamadiisu ay ku soo beegmeen xilli uu jiro isu soo dhawaansho dhinaca doorashooyinka.

Dowlada Qatar ayaa dhinacyo badan ka taageerta dalka Soomaaliya hase yeeshee waxaa lagu eedeeyaa inay dhaqaale badan ku bixisay siyaasada madaxweynihii waqtigu ka idlaaday ee Farmaajo.

About The Author