Sawirro: Rooble oo la kulmay Ergeyga dowladda Qatar u soo magacawday Soomaaliya

02 May 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga dowladda Qatar u soo magacawday Soomaaliya Dr Mutlaq Al-Qahtani oo shalay gaaray Muqdisho.
Qoraal kooban oo xafiiska Rooble uu ku shaaciyey baraha bulshada ayaa lagu sheegay inay arimo ay ka mid tahay doorashada dalka ee muranku ka taagan yahay.
Dhanka kale ma jirin mas´uul ka socda xafiiska Rooble ama xukuumada ama qof soomaali ah oo ku weheliyey Rooble kulanka.
Hoos ka akhriso qoraal uu ka sameeyey xafiiska Rooble:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq Alqahtani.
Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.


Puntlandes.com

About The Author