Sawirro: Rooble oo kulan la leh Sheekh Shariif

02 May 2021 (Puntlandes) Ra’isal wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Cadaaladda ahna Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo wakiil ka ah xubnaha Midowga Musharrixiinta uuna wehliyo Musharrax Mustafa Dhuxulow.

Shirka u socda Midowga Musharrixiinta iyo RW Rooble ayaa sida la sheegay waxaa Warbaahinta lala wadaagi doonaa waxyaabaha ka soo baxa, wuxuuna daba socdaa warqaddii ayidaadda aheyd ee maanta uu Midowga Musharrixiinta ku taageeray in RW la wareego maamulka doorashada iyo amniga.


Puntlandes.com

About The Author