Daawo muuqaal: Rooble oo mu casumay shir Golaha Wadatashiga Qaran

02 May 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20ka bishan May ka dhici doona Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Nuur (Macalimuu) ayaa sheegay in RW Rooble oo ka duulaya heshiiskii 17kii Septembar uu casuumaad u kala diray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si loo dar-dar geliyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Macalimuu oo ka hadlaya inay dheer tahay xiliga uu Rooble shirka iclaamiyey ayaa yiri “Sababaha xiligan loo qaban waayey ee 20ka bishan loo gaarsiiyey waxay tahay bisha Ramadaan oo 10-kii dambe lagu jiro, munaasabada ciida oo galaysa iyo soonka wadaca ah ee xiga sidaas awgeed wadatashiyo RW la sameeyey madaxdaas waxaa la isla gartay in xiligaas uu ku haboon tahay shirka”

Kulankan oo uu iclaamiyay ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay weli kala qeybsan tahay ayna ku sugan yihiin ciidamo kala duwan.


Puntlandes.com

About The Author