Daawo sawirro-muuqaal: Qaar ka mid ah wadooyinki ku xirmay khalaalasihii Muqdisho oo dib loo furay

06 May 2021 (Puntlandes) Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee SoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Guddigii uu u magaacabay xal ka gaarista khalalaasihii Muqdisho ayaa galabta waxey kormeereen wadooyinkii ku xirmay Khalalaasahaasi oo dib loo furay, ka dib markii Ciidamadii ay dib ugu noqdeen Xeryahoodii, iyaggoo u hoggaansamay heshiiskii shalay la gaaray.

Deegaanada uu booqday ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa aagaga Mirinaayo, Siigaale iyo Xaafada Barmuuda. Heshiis ayaa lagu gaaray in wadooyinka dib loo furo isla markaana ciidamadii ka soo horjeeday muddo kororsiga laga saaro caasimada dalka oo ay dib ugu laabtaan xeryahooda.


Puntlandes.com

About The Author