Midowga Africa oo Ergay xal u hela doorashada u soo magacaabay Soomaaliya

07 May 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa John Dramani Mahama u magacaabay ergayga dhexdhexaadin doona siyaasiyiinta Soomaaliya, isagoo kana shaqayn doona isfaham laga gaaro doorasho si degdeg ah dalka looga qabto.


Mahama oo ah 62 jir ruug cadaa waayo araga ah ayaa dalka Ghana madaxweyne ka soo noqday intii u dhaxaysay 24kii july 2012 ilaa 7dii janaayo 2017kii.

War qoraal ah oo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegay in AMISOM ay caawin doonto sidii uu ugu guulaysan lahaa dhexdhexaadinta loo igmaday, waxaana soomaalida loogu baaqay inay si niyad wanaag ah u wadaxaajoodaan.

Puntlandes.com

About The Author