Kenya oo mamnuucday duulimaadyada dalka Soomaaliya

11 May 2021 (Puntlandes) Dowlada Kenya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya,marka laga reebo arrimaha caafimaadka deg-degga ah iyo duulimaadyada Hay’ada Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadanimada.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha duulimaadyada rayidka ee dalka Kenya Gilbert Kibe ayaa lagu sheegay in amarkan uu soconayo illaa iyo 9ka bisha August ee sanadkan.

Hase yeeshee Kibe ayaan sheegin sababta ka dambeysay joojinta duulimaadyada xilli ay labada dowladood soo ceshteen xiriirka diblumaasi.

Balse waxaa ay wararku sheegayaan in dowlada Kenya ay aad uga carootay xayiraada weli saaran ganacsigii Qaadka.

Qoraal ka soo baxay hay’ada duulimaadka dalka Soomaaliya ayaa uga digtey ganacsatada qaadka in aan weli la qaadin xayiraada saarneyd ganacsiga qaadka.
Xayiraada lagu soo rogey duulimaadyada Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa saameyn ay

ku yeelan kartaa duulimaadyada gudaha dalka Soomaaliya maadaama diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ay u badan yihiin kuwo ka diiwaangashan dalka Kenya.

About The Author