Sawirro: TPEC iyo MAP oo kala saxiixday xeerka anshaxa saxaafadda xilliyada diiwaangelinta codbixiyaaysha iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka

14 May 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland(MAP) Maxamed Daahir Caynsane ayaa xalay cusboonaysiiyay saxiixa xeerka anshaxa saxaafadda xilliga diiwaangelinta iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Heshiis noocaan oo kale ah waxay labada hay’adood markii ugu horraysay kala saxiixdeen 2013. Waxaa xalay heshiiska damaanadqaadayaal ku saxiixay Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Puntland(PUNSAA) Faisal Maxamed Warsame, Agaasimaha PDRC Cali Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullaahi Cali Xirsi.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin saxiixa xeerkaan, isagoo ballanqaaday in Guddigu siinayo xog kasta oo ay u baahan yihiin wariyayaashu ee la xiriira arrimaha diiwaangalinta iyo doorashada, isagoo sidoo kale kula dardaarmay saxaafadda in si wadajir ah looga guul keeno mashruucan oo ah mid la wada leeyahay.


Puntlandes.com

About The Author