Akhriso liiska magacyada guddiga doorashooyinka ee cabashada laga keenay

01 June 2021 (Puntlandes) Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay liis ay ku qoran yihiin illaa 67 xubnood oo ka tirsan guddiga farsamada doorashooyinka kuwaasoo cabasho laga keenya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan saacadaha soo socda liiska isla markaana go’aan laga gaari doono.

“Illaa lixdan xubnood oo ka mid ah liiska ayaa waxaa cabasho ka keenay Midowga musharaxiinta iyo guddoomiyaha Aqalka sare waxaana lagu soo eedeeyay inay ka mid yihiin Ciidamada ama ay yihiin shaqaale rayid ah iyo dad taageerayaal siyaasadeed ama siyaasiyiin ah,”ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al Caddaala.

Hoos ka akhriso magacyada liiska guddiga fulinta ee la soo eedeeyay


Puntlandes.com

About The Author