Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo magacaabay xubnaha Guddiga doorashooyinka

02 June 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha liis ay ku qoran yihiin Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Gobolada Somaliland.

Xubnahaan oo ka kooban lix ruux oo dhammaantood rag ah ayaa kala ah afar xubnood oo heer maamul ah, hal xubin oo heer Federaal ah iyo Hal Xubin ah oo kamid noqoneysa Guddiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka.

Magacyada xubnahan ayaa kala ah;

1.Cabdishakur Daauud Maxamed. FEIT

2.Maxamed Ciise Heybe. Xallinta Khilaafaadka

3.Suleymaan Caydiid Cismaan. SEIT

4.Cabdishakuur Abiib Xayir. SEIT

5.Maxamed Cali Cabdillaahi. SEIT

6- Jaamac Cumar Cali. SEIT

Puntlandes.com

About The Author