Xasan Sheekh oo Muqdisho lagu rasaaseeyay

02 June 2021 (Puntlandes) Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta lagu ridey kolonyada uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilaalada la socotay gaadiidkan ayey wararku sheegayaan ineysan ka jawaabin rasaasta ka dib markii uu sidaas amar ku siiyey Xassan Shiikh, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

Aaga uu marayay madaxweynihii hore waxa jooga oo baro koontarool kuleh ciidanka asluubta Soomaaliya,waxaana hore meel aan ka fogeyn halkaas rasaas lagu ridey kolonyo uu la socday mid ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliya.

About The Author