Daawo muuqaalo: Degmada Bursaalax oo dhismaheedu socdo wadadii labaad oo Laami ah, fadlan ka qaybqaado

25 June 2021 (Puntlandes) Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa waxaa  dhismaheedu ka socdaa wadadii labaad oo Laami ah, taas oo isku xiraysa Mashruuca Horumarinta Degmada Bursaalax iyo wadada laamiga ah ee wadnaha  magaalada.

Dhisamahaan oo ay fulinayso Shirkada Dhismaha Wadooyinka ee Kebarco ayaa waxaa iska kaashanaya dawladda Puntland iyo shacabka degmada Bursaalax dibad iyo gudaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa, 7dii Agoosto 2020ka mar uu booqasho ku tagay degmada Bursaalax, dhagax dhigay Wado laami ah oo dhererkeedu yahay 1KM, taas oo  ay dawladdu bixinayso dhaqaalaha ku baxaya, madaxweynuhuna balanqaaday.

Shacabka degmaduna waxay iyana dhisaya 1KM kale oo ay ku darayaan kan madaxweynuhu dhagaxdhigay, waxaana laga codsanayaa dhamnaan dadka soomaaliyeed ee wax ula baxa ka qayb-qaadashada Wadooyinka, Ceelasha Biyaha iyo Masaajidada inay ka qaybqaataan dhismaha wadaan.

Ka qaybqaadashada dhismo wado waa waxa ugu fiican ee wax loola baxo.

Fadlan wixii faahfaahin ah kala xiriir Maareeyaha Mashruuca Horumariinta Degmada Bursaalax mudane Ibraahim Cabdi Warsame tel: 907799743


Puntlandes.com

About The Author