Gudoomiyaha gobolka Mudug oo magacaabay gudiga hubinta deymaha degmada Gaalkacyo

25 June 2021 (Puntlandes)  Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa Magacaabay Gudi hubin ku samayn doona daymaha lagu leeyahay Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiye Sanyare ayaa guddigaan magacaabay kadib marki uu arkay cabashooyin is daba jooga oo uga yimid qaar kamida Bulshada Gaalkacyo kuwaas oo sheeganaya dayma ay kuleeyihiin Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa Gudigan Gudoomiye uga dhigay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore.


Puntlandes.com

About The Author