Sawirro: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo shaaciyey liiska hordhaca ah ee codbixiyayaasha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn

27 June 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa waxay caawa oo ah 27ka bisha 6aad 2021 shaaciyeen xogta liiska hordhaca ah ee dadkii iska diiwaangeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn.


Wadarta dadka iska diiwaangeliyay sadexdaas degmo waa 48,353. Wadarta dadka si saxan oo dhamaystiran isku diiwaangeliyay waa 46,187, inta soo hartay oo dhan 2,166 waa dad isku dayay 2 jeer ka badan inay isdiiwaangeliyaan iyo dad xogtooda aan dhamaystirin.

1. Qardho:
Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Qardho: 181,681
Tirada dadka ka wayn 18: 69,039
Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Qardho: 24,921

2. Eyl:
Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Eyl: 148,611
Tirada dadka ka wayn 18: 56,472
Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Eyl: 11,364

3. Ufayn:
Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Ufayn: 57,095
Tirada dadka ka wayn 18: 21,696
Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Ufayn: 9,902.

Xogta oo faahfaahsan oo loosii kalaa jajabiyay lab, dhedig iyo da’da dadka isdiiwaangeliyay kaga bogo sawirada hoose.


Puntlandes.com

About The Author