Sawirro: Rooble oo Cisbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay iska caabinta weerar Alshabaab ku qaadeen deegaanka Wisil

28 June 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay iska caabinta weerar argagixisada Alshabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhaqaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Alshabaab ee deegaankooda soo weeraray.


Puntlandes.com

About The Author