Kenya oo doonaysa in Mudo sadex bilood ah lagu raro Qoxootiga ku jira Xeryaha Kenya

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa maanta ku baaqay in mudo sedex bilood gudahood ah ay hay’ada qoxootiga Dunida ee UNHCR ku xirto xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, haddii kale ay khasab ku noqonayso in dowladda Kenya ay xeryahaas xirto.

Ruto ayaa sheegay in Kenya go’aansatay in xeryahaas loo raro gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sii raacshay in go’aankaas ay ku wargliyeen hay’adda Qoxootiga Adduunka Qaramada ee UNHCR.

Kenya ayaa dib boorka uga jaftay qorshaheedii ahaa in la raro Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkeeda kaddib weerarkii ka dhacay Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, kaasoo ay ku dhinteen 148-qof. Iyadoo weerarkaas ay mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab.

“Weerarkii Gaarisa waa mid bedelay dhaqankii hore ee Kenya, sida weerarkii 9/11 uu u bedelay Mareykanka,” ayuu Ruto ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay tuhunsan tahay in xeryaha Qoxootiga Dhadhaab loo adeegsado xarun ay Al-shabaab weerarrada kasoo agaasinto.

Puntlandes

About The Author