Sawiro: Xafladd Soo dhaweyn ah oo Garoowe loogu sameeyey Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid

WARBIXIN+SAWIRRO : Aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garowe ayaa caawa waxaa ka dhacday xafladd balaaran oo lagu soo dhaweynayayey raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wefdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga gudaha Puntland.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,raysal -wasaaraha dalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali ,Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ,Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladdaha Puntland iyo federaalka ,isimo, waxgarad, Haween iyo Marti sharaf kale .

Furitaanka xafladda ayaa kooxda Waaberi Puntland waxaa ay soo bandhigeen Heeso Wadani ah kuwaasi oo lagu soo dhaweynayey islamarkaana lagula dardaarmayey raysal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo weftigii balaaran ee uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xafladda ayaa sheegey in uu si aad ah ugu faraxsan yahay imaanshaha raysal-wasaaraha iyo wefdiga la socda.

” Waxaan rajaynayaa in ajandayaashi ay gudiyadu kawada hadlayeen uu ka soo baxo is afgarad, raysal-wasaaraha markii aanu wada hadalnayna runtii majirto waxbadan oo aanu isku diidanahay ” Ayuu yir Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiimtahay in maslaxada khaaska ah aan laga hormarin maslaxada guud si looga gudbo kala tafaraaruqa Soomaalida soo kala dhexgalay, waxaana uu sidookale tilmaamay in Soomaalidu isku soo laabanayso hadii alle idmo.

” Waa ay ku dhegantahay Puntland Dastuurka sababtuna waxaa weeye waa waxa ay soomaali hashiiska ku tahay, waxa lagu hashiiyeyna waa waxa dadka kala haya mar walbana loo laabanayo, isaga hadii la qalin daarana wixii lagu hashiiyey ayey wax u dhimaysaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Soomaaliya hadii larabo inay xorowdo cadowgeedana iska celiso waa inay heshaa ciidan qaran oo aan sumad qabiil laheyn, Puntland diyaar bay u tahay inay ka qeyb qaadato waana rajaynayaa in si deg deg ah loo wado, Puntland waa hooyada federaalka Soomaaliya waana dawladda federaalka katirsan oo maanta sharciga ah” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa sidookale isna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la fuliyo dhammaan hashiisyadii hore ee ay wada gaareen Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey xafladda soo dhweynta ah ee uu u sameeyey isagoona ku amaanay dadaalka iyo horumarka dawladnimo ee uu ka wado Puntland.

Intii ay xafladdu socotay ayaa abaalmarino qaali ah si wadajir ah loo gudoonsiiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaatay jawi wanaagsan oo ay ku dheehantahay farxad iyo reynreyn.

-DHAMMAAD-

Xafiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

0J1A2475 0J1A2483 0J1A2502 0J1A2508 0J1A2513 0J1A2529 0J1A2537 0J1A2541 0J1A2559 0J1A2581 0J1A2582 0J1A2587 0J1A2588 0J1A2598 0J1A2665 0J1A2678 0J1A2680 0J1A2688 0J1A2689 0J1A2721 0J1A2723 0J1A2725 0J1A2733 0J1A2734 0J1A2746 0J1A2757 0J1A2773 0J1A2781 0J1A2785 0J1A2860 0J1A2932 0J1A2940 0J1A2952 0J1A2956 0J1A2966 0J1A2982 0J1A2995 0J1A3211 0J1A3215 0J1A3224 0J1A3242 0J1A3264 0J1A3310 IMG_6207 IMG_6212 IMG_6214 IMG_6224 IMG_6228 IMG_6231 IMG_6233 IMG_6276 IMG_6288 IMG_6300 IMG_6304 IMG_6316 IMG_6323 IMG_6327 IMG_6374 IMG_6379 IMG_6381 IMG_6392 IMG_6397 IMG_6411

About The Author