WAR DEG DEG AH: ILAALADA MADAXWEYNE GAAS OO NIN BURCAD BADEED AH XOOG KAGALABAXAY MAXKAMADA GOBOLKA NUGAAL:

Nin burcad badeed ah oo maxakamadda  Gobolka Nugaal ku xukunta 8 Sano maantay oo ay taariikhdu tahay 16-4-2015, ayaa markii xukunkii dhacay waxaa goobta yimi laba Gawaarida dagaalka ah oo ka tirsan ciidanka madaxtooyada. Ciidanka ayaa waxay xoog kula bexeen ninkii intaan loo gudibin xabsiga isagoo ku sugan Maxkamadda. Ciidanka Madaxtooyada oo xoog kusoo galay Maxkamadda ayaa Qoryo ku Qabtay dhamaan dadkii Maxkamadda ku sugnaa oo ay ku jiraan Garsoorayaal iyo Qaadigii Xukumay. Waxayna Goobta kala baxeen ninkii oo kasoo jeeda Gobolka Mudug oo kiiskiisu ayaamahaan ka socday Maxkamadda Gobolka Nugaal. Ninkan ayaa waxaa lagu soo eedayay inuu ahaa maalgaliye Burcad badeed ah iyo inuu ka dhacay Dooni Nin kasoo jeeda Gobolka Karkaar Dhacdadaan ayaa noqonaysa mid foolxun waxayna daba joogtaa iyadoo horay Madaxtooyadu Xubna Alshabaab ah kasii daysay Xabsiyada Puntland tanina waxay noqonaysaa in Burcadbadeediina lagu gacansiinayo falalka Burcad badeednimo.

Waxii faah faahin ah dibdame ayaan kasoo sheegaynaa

Puntlandes.com

About The Author