Sawiro: Madaxweyne Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka Ethopia

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-4-2014  u dhoofay Dalka Ethopia gaar ahaan magaalada Adis-ababa.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya  Wasirro iyo saraakil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe ku sagootiyey madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Ethopia u aaday sidii uu uga qeyb-geli lahaa kulan loogu magac daray Tana Forum kaa soo sanad walba la qabto loogana hadlo qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa .

” Xoojinta ganacsiga iyo Amniga labada dal ayaan sidookale kawada hadlaynaa madaxda dalka Ethopia, guul iyo kheyr baana rajaynayaa Puntland nabad-gelyo iyo horumar ayaana u rajaynayaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha kooban ee ay ku sugan yahiin dalka Ethopia kulamo la qaadan doona madaxda dalkaasi kadibna waxaa ay dib ugu soo laaban doonaan dalka hadii Alle Idmo.

 

IMG_7001 IMG_7019 IMG_7022 IMG_7023 IMG_7025 IMG_7027 IMG_7029 IMG_7031 IMG_7035 IMG_7040 IMG_7043 IMG_7044 IMG_7055 IMG_7057 IMG_7064 IMG_7070 IMG_7086

Puntlandes.com

About The Author