Dhagayso: DFS ma aqoonsanin Heshiisyada Shidaalka ee ay Puntland gashay

DFS ayaa ku dhawaaqday inay dib u eegayso heshiisyada shidaalka looga soo saarayo Soomaaliya.

Maxamed Mukhtar Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo idaacada VOA waraysatay ayaa u sheegay inay dowladda ay aqoonsatahay heshiisyadii horey loola galay shirkaddaha markii dowladdii Somalia ay jirtay, balse wuxuu sheegay in imika wasaaraddiisu ay qorsheynayso in la helo shuruuc waafaqsan federaalka iyo rabitaanka dadka, si shacabka looga faaideeyo kheyraadka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu doonayso heshiis lagu qeybsanayo kheyraadka Soomaaliya yaalla.

Warar xogogaal ah oo warbaahinta Puntlandes.com ay heshay markii madaxwenaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu tagay Xamar in shir hor dhaca oo ku saabsanaa sidii loo qaybsan laha Khayraadka dalka Soomaaliya oo uu dabada ka riixayey madaxweynaha DFS Xasan Sheekh halkaas ka dhacay iyadoo uu Dr Gaas codsaday in xoogaa la sugo maadaama ay hada culaysyo badan i haystaan

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa soo hordhigay qaybsiga Khayraad dalka oo cadaalad ku dhisan waa siduu hadalka u yiri kaasoo ah sidatan:

Khayraadka Soomaaliya waxaa loo qaybsanayaa sidatan:

  1. 60% waxaa iska yeelanaya DFS
  2. 10% waxaa iska yeelanaya Muqdisho oo ah caasimada dalka
  3. 10% waxaa maamulaya DFS
  4. 10% waxaa iska yeelanaya Degmada
  5. 10% Dawlad goboleedka

Sidaas ayey noqotay Cadaalada DFS uuna ku dhici waayey madaxweynaha Puntland in uu si cad u diido.

Dhagayso hadalka wasiirka DFS


Puntlandes.com

About The Author