Duqa Garowe ”Inta nidaamka Wasaarada Maaliyada laga Saxayo Canshuurta Degmada Garowe kuma shubayno Khasnada dawlada”

Duqa Degmada Garowe Abdi Elmi Koor Oo Fal Sharaf Daro Ah Oo Markii Danbe Isu Badalay Gacan Ka Hadal, Shalay Kala Kulmay Ilaalada Wasaarada Maaliyada Ayaa Sheegay Inay Hakinayaan Wada Shaqayntii Iyo Lacagtii Canshuuraha Ahayd Oo Ay Ku Shubayeen Khasnada Dowlada.

Abdi Koor Wuxuu Sheegay Markuu Shalay Booqday Xarunta Wasaarada Maaliyada Oo Uu Ugu Socday Hawlo Shaqo In Ilaalada Wasaarada Oo Isaga U Garanaysay Shaqsiyan Ay Ula Dhaqmeen Si Foolxun, Wuxuu Yiri ”Adeer Nin Wayn Oo Masuulaan Ahay Wasiirkana Shaqsiyan Yaanu Isu Naqaan Oo Intaa Waxaan Ku Casumaa Xafladaha Lagu Furayo Mashaariicda Cusub Ee Caasumada Laga Hirgalinayo, Wasaarada Waxaan Usoo Xeraynaa Kumanyaal Dollar Sanadkii”

Duqa Degmada Garowe Ayaa Yiri Danbiga Waanu Wada Leenahay Mar La Waydiinay Inuu Raali Galin Ka Bixinayo Falka Ilaaladiisu Ku Kacday Ee Ahaa Inay Wasaarada Yimaadaan Iyagoo Hubaysan.

QORAALKAN WAXAA ISKA LEH WARIYE GAROWE KU SUGAN

Xigasho: https://www.facebook.com/sayid.cumar.96

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author