Deg Deg: Maxkamaddii Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal oo la xiray, Amnidaro darteed ka dib markii ilaalada Gaas soo weerareen

Garowe (Pes) Masuuliyiinta Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa saxaafada u sheegay in ay xireen maxkamada ilaa amar dambe sababtuna ay tahay arimiga Maxkamada oo faraha ka baxay darteed. Xiriyaankan ayaa yimid ka dib markii Ciidanka ilaalada madaxweynaha Puntland cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay soo weerareen Maxkamada maalinimadii ay bishu ahayd 16 ka abriil 2015, halkan ka akhri

Faahfaahin kale halkan ka dhagayso


Waxay ku tilmaameen wax laga naxo in ay soo weeraraan ciidankii ilaalada madaxweynaha lana baxaan denbiile maxkamadi xukuntay. Waxay intaa ku sii dareen in ilaalada madaxweyne Gaas  ee soo weeraray ay ka koobnaayeen laba baabuur teknika ah oo ay saarnaayeen ilaa 20 Askeri iyagoo eedaysanihii maxkamada kala dhexbaxeen.

Puntlandes.com

About The Author