Dhagayso: Gud. Gudiga farsamada G Dhex ” Qabiilo waxaa jira dega labada Gobol oon ku jirin G farsamada lkn Ergooyin la siindoono”

Barnaamijka wicitaanka dhegeystaha e eka baxa idaacada afka Soomaaliga ku baxda ee VOA ayaa waxaa todobaadkan marti ugu ahaa gudoomiyaha gudiga farsamada shirka maamul u sameynta gobolada Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ku sugan magaalada Cadaado.

Xaliimo ayaa si aan gabasho lahayn u sheegtay in ay Marjac ay noqonayaan Wasiiro DFS oo beelaha degaankaas ka tirsan iyo maamuladii saxiixay heshiiskii 30 july 2014. Hadalkan Xaliimo ka soo yeeray ayaa kabaya kii madaxweynaha DFS ee markii ugu horaysay sheegay in aysan maamulada Galmug, Ahlusuma iyo Ximan iyo xeeb aysan kaligood ahayn Saxiixayaal ee ku jiro Wasiirka Waxbarashada DFS ee xiligii la saxiixayey kaasoo ka soo jeeda Puntland!

Waxay kaloo xaliimo sheegtay in ay jiraan Qabiilooyin dega labadan Gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo aan ku jirin Gudiga ay gudoomiyaha u tahay ee Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta gobolada “Koonfurta” Mudug iyo Galgaduud iyadoo ula jeeda Beelaha Puntland ee dega Waqooyiga Gobolka Mudug, waxay shaaca ka qaaday in Beelahaas lagu soo daridoono Ergooyinka dooran doona Madaxweynaha Maamulkaas.

Shirka maamul samaynta ayuu madaxweyne Xasan Cadaado ka furay Khamiistii ay bishu ahayd 16 ka abriil ilaa iyo caawa oo ay bishu tahay 19 ka abriil kama aysan hadlin dawlada Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadoo ilaa iyo iminka aan cadayn Mawqifkeeda ku saabsan in Gobolka Mudug laga jaray Puntland.

Halkan ka dhagayso madaxweyne Xasan Saxiixayaasha

Halkan ka daawo kana akhri furitaankii

 Halkan ka dhageyso barnaamijka

 

Puntlandes.com

About The Author