Diyaaradda Shirkadda Turkish Airlines oo Muqdisho ka soo degtey

18 Sept 2021 (Puntlandes) Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa dib u bilowday maanta duulimaadyadii ay ku iman jirtey magaalada Muqdisho kadib markii shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti.

Diyaaradda Turkish Airlines ee saaka Muqdisho timid waxay aheyd Airbus oo ah toos Muqdisho iyo Istanbul ah, waxayna timaadaa Muqdisho maalmaha Sabti iyo Khamiis. Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yasin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti.

Shalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yasin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.

Dowladda Jabuti ayaa dhinaceeda iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay, waxayna dhinaca kale xaqiijisay in dhammaan dadkii saarnaa dib loogu celiyay magaalada Istanbul oo markii hore duulimaadkani ka yimid.
Puntlandes.com

About The Author