Sawirro: Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug

30 Sept 2021 (Puntlandes) Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismail Abdinur Geesey.

Wasiirka oo Hawlo shaqo ujooga Maalmahan Magaalada Galkacayo Ee Caasimada Gobolka Mudug Ayaa Madaasha Wareejinta Gaadhigan Ka Sheegay in Loo Baahanyahay in la Dardargeliyo kor uu Qaadista Dakhi Gobolka Mudug Gaadhigana uu waxbadan ka Tari Doono Dakhli Aruurinta.

Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaciil cabdinuur Geesey , ayaa sheegey in ay baahi-weyn u qabeen gaarigan, wuxuuna ballan qaaday in ay laba jibbaarayaan shaqada oo ay tagayaan deegaanada fog-fog, waxana uu aad ugu mahad ceshey Wasiirka, waxaana uu sheegey in dalabkooda muhiimka ahaa laga jawaabay.

Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa u Diyaarisay Goboladda Gaadid Loo adeeg sado arimaha canshuraha, si kor lagu qaado dakhliga Dowladda.


Puntlandes.com

About The Author