Sawirro-Muuqaal: Ciidanka Difaaca Puntland oo Shahaado Sharaf guddoonsiiyey mushaxa duqa magaalada Gaalkacyo

30 Sept 2021 (Puntlandes) Taliska guud ee Ciidanka Difaaca dawladda Puntland ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyey mushaxa duqa magaalada Gaalkacyo Cawil Cabdille Aadan-Seed.
Mushaxa ayaa Shahaado Sharaftaan ku mutaystay dawayn iyo caawin uu u fidiyey Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Mudug.

Sidoo kale Waiirka Maaliyadda dawladda Puntland mudane Xasan Shire Abgaal oo ka hadlay munaasabad tababar loogu soo xiray dufcad ka mid ah Ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland ayaa u mahadceliyey musharaxa, hoos ka daawo muuqaal.

Dhanka kale qoraal uu Mushaxu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ayuu ka mahadceliyey Shahaado Sharafta, wuxuunu u qornaa qoraalku sidan hoose:

Waxaa maanta la igu casuumay xiritaankii Tababarka Ciidanka Daraawiishta ee ku xaraysnaa kulliyadda Tababarka Ciidanka ee General Carays ee deeggaanka Godod.

Waxa ay sidoo kale taliska guud ee Ciidanka Difaaca Puntland i guddoonsiiyeen Shahaado Sharaf aan ku mutaystay taageeradii iyo garab-istaaggii aannu u muujinay Ciidan Daraawiishta ee Puntland wakhti ay u baahnaayeen.

Illaahay ka sokow, waxa aan u mahadnaqayaa Madaxwaynaha Dawladda Puntland Said Cabdullahi Dani, Gudiga Dib-u-habaybta Ciidanka Puntland, Taliyaha Kulliyadda iyo macallimiinta kale ee Dugsiga Tababarka General Carays oo dhammaantood sabab u ahaa in ay soo baxaan ciidan sidan loo carbiyay oo ku hubaysan akhlaaq iyo aqoon ciidan labadaba.


Puntlandes.com

About The Author