Maxaa dhaawacay is-beddelkii lagu sameyn lahaa ciidanka Puntland? [FAALLO]

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas oo ku sugan xerada ciidanka Badda ee Puntland

Tan iyo asaaskii Puntland 1998, waxaa dhibaato weyn ka taagneyd, in Puntland hesho ciidamo  tiro & tayo wanaagsan leh, isla markaana leh dhamaan sharaftii iyo jiritaankii lagu yaqaaney ciidan. Madaxweyne kasta oo Puntland loo doorto, waxa uu ballan qaadkiisa ugu horeeya ahaa in dib u dhis ku sameyn doono ciidanka Puntland, ee u qaybsan

  • Daraawiish
  • Asluubta
  • Booliska
  • Birmadka
  • Ciidanka ilaalada Madaxtooyada
  • PFA (PIS)
  • iyo Ciidanka Badda

Caqabadaha ka hor yimid in la helo ciidamo Puntland u qalma jiritaankeeda ayaa ah kuwo badan, waxaana kamid ah Ciidanka oo u qaybsan dabaqado kala sareeya

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa la dhihi karaa waa kuwa loogu kool-koolinta badan yahay, waxayna helaan agabka ay u baahdaan oo dhan, ciidankan ma aha kuwo joogto ah waxaana ay u muuqaal ekaadaan hadba Madaxweynaha xafiiska fadhiya, hadii uu meesha ka baxana kama sii danbeeyaan, waxay noqdaan kuwo dadka kamid noqda, ama nabadgelyada caqabad ku noqda  haddii aysan helin wixii ay u baahdaan. Sababta ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u dhisme waayeen isla markaana u noqon waayeen ciidamo joogta ah, kana kooban dhamaan qaybaha Puntland ayaa lagu eedeeyaa hadba Madaxweynaha markaas xafiiska fadhiya.

Tirada ciidamada Puntland u qoran ayaa ah kuwo aan run ku dhisneyn.  Waxaana arrintaas ka markhaanti kaca Madaxweyne kasta oo Puntland loo doorto. Dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda Puntland waxay ku baxdaa AMNIGA gaar ahaan ciidamada, waxaana tiradaas xad dhaafka ah ee marka loo baahdo aan la helin ka dhex macaasha Saraakiisha ciidanka iyo kuwa agdhaw, oo ku lacag qaata askar magac ahaan u jira laakiin aan xirneyn direyska iyo kabaha ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa wacad ku marey doorashadiisi kadib in uu isbeddel weyn ku sameyn doono ciidanka Puntland, tayo ahaan iyo tiro ahaan, waxaana uu saarey guddi saraakiil iyo wasiiro leh in ay tirakoob ku sameeyaan ciidamada shaqeeeya, isla markaana ay talo ka soo bixiyaan sidii loo hormarin lahaa.

Ciidanka Badda

Ciidamada Puntland u dhismey 4-tii  sano ee la soo dhaafey waxaa ka mid ahaa ciidanka Badda ee loo yaqaan Puntland Maritime Police Force.

Ciidanka Badda ee Puntland ayaa la asaasey sanadkii 2010, waxaana asaasey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole. Qaabka ay ku asaasmeen ciidankan ayaa ahaa mid shaki weyn laga qabey xalaalnimadiisa.

Ganacsato reer Puntland ah ayaa lug ku lahaa asaaskii ciidankan, waxaana ay soo heleen shirkad caloosheed u shaqeysato ah oo la yiraahdo Sterling Corporate Services ama SARACEN, waxaana shirkaddan markii danbe ay hoostagtey Erik Prince oo horey uga tirsanaan jirey United States Navy SEALs iyo CIA, waxna ka asaasey shirkaddii sida weyn adduunku uga qayliyey ee Blackwater. Erik Prince oo isticmaalaya khibradiisa shaqo ayaa maalgelin uga helay dalka Imaaraadka Carabta in la dhiso ciidamo ka hortaga burcadbadeeda, oo xaruntoodu tahay Puntland.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka Badda ee Puntland ayaa dhismey, waxay heleen qalab aad u faro badan, waxaana qorshuhu ahaa in tiradooda la gaarsiiyo 1500 oo askeri, Waxaa dad badan shaki ka qabeen ciidankan sida ay u yihiin ciidamo Marines ah marka la eego agabka ay ku hawlgalayeen oo u badnaa agabka ciidamada dhulka.

uae

Tan iyo markii Dowladda Imaaraadka Carabtu ay ka soo baxdey daaha gadaashiisa isla markaana sheegatey in ay Puntland ka taageereyso dhismaha ciidanka Badda, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa isbeddel ku imaanayey ciidanka Badda ee Puntland kuwaas oo heley doonyha dheereeya ee hubku ku xiran yahay, laba diyaaradood oo yaryar iyo agabka isgaarsiinta, waxaana ay xarumo ka samaysteen Xeebaha fog-fog.

Inkasta oo hoos u dhac weyn ku yimid Burcadbadeeda saddexdii sano ee u danbeysey, kadib markii caalamku maraakiib u soo direy biyaha Soomaaliya aya la dhihi kraa dhismaha ciidankan guul ayuu Puntland u ahaa, waxayna ka mid noqotey dhaxalka Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole, waxayna u bahnaayeen in la saxo wixii horey uga qaldamey ee ahaa qaabka ciidanka loo dhisey ama lagu soo xuley, isla markaana dib loo saxo dhaqaalaha ku baxa oo la aaminsanaa in musuq-maasuq xoogleh lagu hayo.

Madaxweynaha Puntland, isaga oo ballan qaadey in uu isbeddel ku samaynaayo ciidanka Badda waxa u xilkii ka qaadey Agaasimihii hore ee ciidanka Badda Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, waxaana uu xilkaass u magacaabey nin ganacsade ahaa oo Bosaso ku lahaan jirey mid kamid ah Wershadaha biyaha sifeeya waa Cabdinaasir Biixi Soofe.

Madaxweynaha Puntland waxa uu marar badan booqdey xarunta ugu weyn ee ciidanka Badda Puntland ee ku dhaw magalada Qaw galbeedka Bosaso. Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in ay yihiin ciidankii Badda. Wuxuu ku tilmaamey ciidamo tayo leh, oo dhaqaale badan galey, nasiib gaar ahna helay muhimadda kowaad ee ciidanka Badda ayuu ku tilmaamey in ay tahay in maraakiibta badda dhacaysa ay ka saaraan,  ee xaalufisey waa shaqadiini ayuu yiri in aad badda difaacdaan markii loo baahdana muhimad gaar ah aad yeelataan. (hoos ka dhegayso)

Haddaba iyada oo aan weli la soo bandhigin dib u habeyntii lagu wadey ciidanka Puntland tiro iyo tayo ahaanba, isla markaana Puntland ay la daalaadhacayso dhaqaale xumo baahsan, ayaa la is weydiinayaa maxaa xagal daaciyey is-beddelkii ciidamada lagu sameyn lahaa gaar ahaan ciidanka Badda oo isagu ahaa ciidan dhisan dhaqaale ku filana hela.

Markabkii Shirkadda SOMCAN 2002 -2009?

Waxaa maalintii Arbacada Puntland soo bandhigtey Markab oo ku rakiban yahay qoriga loo yaqaan ZUU ee lidka diyaaraduha in uu ilaalin doono xeebaha Puntland, kana saari doono xeebaha Puntland marakiibta xaalufisey. Markabku maaha mid cusub (eeg sawirka kore) waxaase lagu sameeyey dayactir, waxaana uu Puntland ka hawlgalaayey 2003 – 2009. Shirkadda iska leh ee magaceeda lagu sheegay SSS, ma ahan shirkad cusub magaca ayaa la soo bedeley ee waa shirkaddii SOMCAN ee Puntland heshiiska kula jirtey sanadihii 2002 -2005, Agaasimana uu ka yahay labada shirkadoodba Cabdiweli Cali Taar.

Shirkadda Somali Service Security (SSS) ama SOMCAN ayaa ahayd shirkadda loo tiiraanyo in ay wax ka asaastey Burcadbadeeda ciidamo badan oo u diiwaan gashanaa ay noqdeen Burcadbadeed kadib markii heshiiskii Puntland uu ka dhacay sanadkii 2005, waxay si xoog ah ugu jireen badda iyaga oo aan haysan wax sharciyad ah mudaddii uu xilka hayey Cadde Muuse.

Doontii hore oo dib u habeyn uu ku sameeyey Cabdiweli Taar

Sanadkii 2006 waxaa qaar kamid ah askarta SOMCAN ay xoog ku qabsadeen markab laga lahaa dalka Thailand, waxaana ay dalabadeen madaxfurasho gaareysa 800,000USD, Saddex kamid ah askarta SOMCAN waxaa  qabtey ciidanka Badda ee Thailand isla sanadkaas, waxaana maxkamad ku taala dalkaas ay ku xukuntey xabsi 10 sano ah.

Shirkadda SOMCAN waxaa lagu eedeeyaa in ay qayb ka ahayd heshiis xeebaha Puntland lagu duugey wasakh waxaana wadey Markab laga lahaa dalka Holland oo lagu magacabo Philipine MV Cormo Express, kaas oo shirkadda SOMCAN ilaalo ka haysey.

Marka laga yimaado ilaalinta badda ee shirkadda SOMCAN sheegan jirtey, waxaa u dheeraa ganacsi xooggan kaas oo ku dhisan Musuq-maasuq, ma jirin cid la xisaabtami jirtey, waxaana ay badda soo gelin jirtey shirkado ay heshiis la gashey lacago badana ka qaadi jirtey isla markaana ilaalo gaar ah siin jirtey. Sheekooyinka Kaluumeysatada Puntland waxaa kamid ah in SOMCAN aysan u oggolaan jirin in ay gaaraan meelaha ay jariifka ka wadaan maraakiibta ay heshiiska la galeen ee badda la soo geliyey, waxaana ay dib u soo celin jireen Kaluumeysatada waddaniyiinta ah ee reer Puntland.

Ganacsade Cabdiweli Cali Taar

Marka la eego heshiiska cusub ee Wasaaradda Kaluumeysigu sheegtey in ay la gashey Cabdiweli Cali Taar ayaa la is-weydiinayaa waxa ku dhacay ciidankii Badda ee Puntland? kuwaas oo dhaqaale aad u badan galey dhismahoodi isla markaana wata magaca ah Ciidamada Ilaalinta Badda ee Puntland, loona tababarey ilaalinta xeebaha Puntland.

Sidee adduunku Puntland u aaminayaa haddii ay shirkado yar-yar oo caynkan oo kale ah isla markaana sumcad wanaagsan aan lahayn ay heshiis la galaan?, Sidee ayaa Puntland looga caawinayaa dib u dhiska ciidamada Badda ku socdey haddii shaqadoodi ganacsato la siiyo?

Su’aasha kale ayaa ah cidda bixineysa maalgelinta shirkadda gaarka loo lee yahay? Mise waxaa qorshaheedu yahay sida horey loogu bartey in ay gado shatiyada Kaluumeysiga & xalaaleynta jiriifka?. Ciidanka Badda ee Puntland waxay leeyihiin nidaam, sharci iyo lanbar (code) lagula xisaabtamo, ciidanka Markabka  shirkadda SSS saaran dhibaatada ay geystaan   ma jiro qaab lagula xisaabtami karo!.

Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ee Puntland

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Puntland ayaa faraha kula jirta shaqooyin aysan lahayn, waxaana  ay u muuqataa mid iibgeyneysa kheyraadka  badda iyada oo u mareysa waddooyin aan xalaal ahayn, Wasaaraddan shaqada ugu weyn ee loo asaasey ama in ay qabato waxaa kamid ah:

  • In ay samayso sharciyada Kaluumeysiga, isla markanaa horgeyso goloyaasha sharci dejinta
  • Hor marinta wax soosarka Kalluumeysiga.

Wasaaradda Kalluumeysigu maahan mid shuqul ku leh waardiyeynta Badda ama xuduudaha, waa shaqadii Wasaaradda Difaaca oo ay hoos yimaadaan dhamaan ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda Cabdinuur Biindhe

Cabdinuur Biindho oo Wasiir ka soo noqdey Xukuumaddii Cabdullaahi Yusuf, iyo Gen Cadde Muuse, marna noqdey Madaxweynaha Khaatumo ayaa ah Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda ee Puntland, mar la weydiiyey sababta loogu baahdey shirkad si gaar ah loo lee yahay iyada oo ay Puntland maanta leedahay ciidamada Badda oo si weyn loo qalabeeyey  ayuu ku jawaabey, “IYAGU SHAQAOOODA AYEY HAYSTAAN BADDU WAA MEEL WEYN MAAHA MEEL LA IS OG YAHAY!!!!” inta oo weriyaha ku soo jeestey ayuu yiri Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda, miyaad garanaysaa waxa loola jeedo Kheyraadka Badda? Adigu garan meysid ee anaga ayaa naqaanaa!!,  marka Kheyraadkaas badan ayaan ilaalineynaa!.

Cabdinuur Biindhe waxa uu horey heshiisyo ula soo galey Dowladaha Yemen iyo Jabuuti, heshiiska Yemen ayaa ahaa mid la yaab leh kaas oo Kalluumeystada Yemen u oggiolaanaya in ay qabsan karaan Kalluunka xeebaha Puntland, Somaliya, ma jirto cid Wasiirka kula xisaabtantey heshiiska uu so galey.

Wasaaradda Difaaca ee Puntland?

Puntland waxay gacanta ku haysaa hawshii ay iska lahayd Dowladda Dhexe, maadaama aysan jirin Dowlad dhexe oo awood u leh in ay qabato ilaalinta badaha iyo xuduudaha, sidaas darteed waxaan laga fursaneyn in la sameeyo Wasaaradda Difaaca, taas oo kulmin karta dhamaan Ciidanka Qalabka sida, si looga gaashaanto in Wasaaradda Kalluumeysiga oo kale ay awood u yeelato in ay badda geliso ciidamo gaar loo leeyahay meel kastaba haka haysteen, kalsooni, Madaxtooyada Puntland waxaa habboon in wixii talo iyo shaqoba ah oo ku saabsan ciidanka uga danbeyso Wasaaradda Difaaca, halkii Madaxtooyadu dejin lahayd Istraatiijiyada ciidanka. Sidaas si lamid ah Wasaaradda Amniga waxaa dib loogu celin karaa oo lala mideyn karaa halkii horey looga jarey ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyada oo shaqada ugu badan ay qabanayso ay tahay sirdoonka iyo sugada amniga.

Wasaaradda difaacu waxay heli kartaa kalsooni beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka ah ay ku taageeraan dhismaha iyo taakuleynta ciidanka Puntland, inta Dowladda Federaalku hirgelineyso nidaamka mideynta ciidanka Qaranka.

Ugu danbeyntii in  hay’adaha dowladiga ah laga dhigo kuwo laga saaro gacanta Dowliga ah lana geliyo gacanta ganacsatada ‘Privatization’ gaar ahaan shaqooyinkii ciidamadu qaban lahaayeen waa filim horey loo soo daawadey, waxa laga dhaxleyna ay tahay, Musuq-maasuq, eex, qaraabo kiil, maamul xumo iyo ku takri fal awoodeed.

Xagasho:horseedmedia.net

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author