Dhageyso: Garaad Maxamad Cilmi ”Shirka Cadaado ayaa la qadayaa?, ma anagaa nala Qaldayaa?

2033

Gaalkacyo (Pes) Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo kamid ah Isimida ugu facawayn ee Puntland isla mar ahaantaasna ah ka soo jeeda Gobolka Mudug ee Puntland Isina u ah ayaa sheegay nidaamka Federaalka inay bilaabeen Puntland.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac waxa uu sheegay sababata shacabka Puntland ugu dadaadalayeen Federaalka inay ahayd in aysan kala tagin dadka Soomaaliyeed. Garaadka ayaa sheegay Puntland inay u taagan tahay mar kasta midnimada ummada Soomaaliyeed oo iyagu ay bilaabeen nidaamka Federaalka isla markaana sii wadi doonaan inta Federaalka uu meel marayo.

Shirka Cadaado

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac ayaa ka hadlay Dastuurka ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay iyo sida uu uga hadlayo ama qeexayo Sharuuda lagu samayn karo Dawlad Goboleed, isagoo tilmaamay inuu akhriyay dastuurka uuna qorayo inay maamul samaysan karaan Labo gobol iyo wax ka badan.

Garaadka ayaa sheegay Puntland inay leedahay gobolo badan ayna la yaaban yihiin shirka maamulka gobolada dhexe loogu samaynayo ee Caadaado ka socda.

Garaadka ayaa waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya shirka Cadaado uga socda ergooyinka dhisaya maamul goboleedka gobolada dhexe “Arintaan Mudug iyo Galguduud la leeyahay yaa la khatalayaa, ma dad ajanabi ah baa been loo sheegayaa, ma dadka shirka fadhiya baa been loo sheegayaa ,ma anagaa la rabaa si in naloo khatalo “

Ugu danbayntii waxa uu dalbaday Garaad Maxamad Cilmi in maamulka hada laga dhisayo Cadaado la qeexaa oo la yiraahdo Koofurta Mudug iyo Galguduud, oo la iska daayo af-ku haynta gobolka Mudug.

Hadalka Garaadka ayaa aad shacabka Gobolka Mudug iyo guud ahaan reer Puntland u soo dhaweeyeen. Qaar ka mid ah shacabka Gobolka Mudug oo ay Warbaahinta Puntlandes la hadashay ayaa soo dhawayn baaqa Garaadka ka dib waxay ugu baaqeen Isimada kale iyo waxgaradka Gobolka Mudug in ay u istaagaan arintan dalbadaana sida Garaad Maxamed Cilmi Shirwac in la bayaamiyo waxa loola jeedo labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud. Iyagoo ugu danbayntii yiri “Balo waa laga hortagaaye lama dhawro, marka waa in la iftiimiyaa, Beesha Caalamkana loo sheegaa waxa loola jeedo Mudug iyo Galgaduud””

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa bishan abriil 16 keedii ka furay magaalada Caadaado Shir uu ku sheegay in uu maamul ugu dhisayaan Gobolada Mudug iyo Galguduud. Waxaa intaas sii dheer iyadoo uu madaxweyne Xasan 17 kii abriil uu garoonka Muqdisho ka sheegay in uu maamulka cadaado ka soo bixidoona buuxiyey sharuudihii Dastuuriga ahaa ee ahaa laba Gobol iyo wixii ka badan!!

Waxaa qaadan waa ku noqotay shacabka reer Puntland in dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed cali Gaas aysan ilaa hada ka hadlin iyadoo uu jiro tuhunah in Gaas Dam Jadiid ay lacag siisay!!

Dhagayso Codka Garaadka


Puntlandes.com

About The Author