Wasiir Indhaguran Oo UNDP Dacwad Caalami ah ka Gudbisay

Waxaa Soo Shaac-baxay Warar Iyo Baaritaano muddo socday kana dhan ahaa Wasiirka Warfaafinta Puntland Abdiwali Indhaguran. Hay’ayaad UNDP ayaa Dacwad Ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta ka furtay Maxkamada UN lee yahay kuna taala Geneva kadib Markii ey ku Eedeysay Wasiir Indhaguran Iyo Xoogheyntiisa Burhaan iney lunsadeen lacag dhan Afar Boqol Oo Kun oo Dollar, Lacagtaas oo lasiiyay Wasaarada Sports Puntland Xiligii uu ahaa Wasiirka Sports Puntland Abdiwali Indhaguran 2013.

Qorshaha Lacagtan ayaa ahaa in Xarumo Isboortis laga sameeyo Gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacayo, Nasiib daro waxa ay noqotay Markii Lacagtaas Afka uu Iska mariyay Wasiir Indhaguran. Hay’ada UNDP ayaa ka war heshay Musuqmaasuqaas Waxana ay Bilowdey (Internal Investigation) Kaasoo muddo socdey Waxa ay sidoo kale Wafdiyo u Soo direen Madaxwyene Abdirixmaan Faroole, Walow lagu jiray Xiligii Doorashada hadana Madaxweyne Faroole Waxa uu Amray in la baaro Wasiir Indhaguran isla markaana uu diyaar u yahay la shaqeynaya Baaritaanada UN.

Hay’ada UNDP ayaa sii wadatay Baaritaanadeedi Iyadoo Marar kala duwan la kulantay Madaxdweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Iyagoo u Soo bandhigay Cadeymo dhan ah Iyo Lacagtii ay bixisay Hay’ayada UNDP Iyo Akoonkii Dahabshiil ay ku shubtay Lacagtaas.

Madaxweyne Abdiwali Ali Gaas, ayaa isku dayay inuu Dajiyo Xaalada Walow Hay’ayada UNDP ay Go’aan ku gaartay iney Cadaalada la Tiigsato Wasiir Indhaguran. Xiriir lala sameeyay Qareemada Shuruucda Caalamiga Iyo Dowladnimada ayaa sheegay in Wasiir Indhaguran Dacwadan lagu furi karo balse Xukunka lagu ridi karo Marka uu Xilka uu Ka dago maadama uu heysto ( Immunity) Oo Xeerarka Xukunka aan lagu Xukumi karin Isagoo haya Xil Dowladeed.

Waa Markii ugu horeysay Fadeexad heer Caalami ah ay kusoo baxdo Wasiir Puntland ah Xili Dad badani ay la socdaan Hantidii uu Wasiir Indhaguran ka lunsaday Hay’Ada UNDP oo Taageero Dhaqaale Horumarineed ugu deeqdey Isboortiga Mudug. Ma Cada Xiliga loo yeerayo Wasiir Indhaguran hadana Waxaa Cad in Eedeyntani ey hada dibbada u Soo baxday Iyadoo ey muuqato Fadeexad ka dhan ah Xukuumada Puntland.

Puntlandes.com

About The Author