Daawo Muuqaal: Dr Gaboose “Mucaaridkii tolaay ayay wadaan, Madaxweynuhuna waa nin kal adag oo sharciga ku dhegan”

12 July 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka BARWAAQO Dr maxamed Cabdi Gaboose oo ku sugan magaalada Berbera ayaa sheegay inaysan jirin berel kaligeen ku filan inay madaxweyne doorato ayna leeyihiin madaxweynaha beelaha Somaliland.

Dr Gaboose ayaa yiri “Waaxa weeye khaladku hadiiba reerku uu doonayo Hogaanka, hogaanku waa madaxwayne, Madaxwaynaha ma reerbaa isku filan? Ma reerbaa codkiisa kaliya uu ku filanyahay? Umada kale ayaa iska leh madaxwaynnimada Ma aha xildhibaan reerkiisu ku filanyahay, tani waa xil madaxwayne oo guri walba ay masuuliyadu saarantay tiina waxa ay garan waayeen in ay gacmaha sidaas dhahaan oo walaaltinimadiina ay soo hormariyaan Halkii ay garran waayeen ayaan leeyahay Ilmaadeerayaal walaalayaal Codkiina isiiya Reer Somalilandnaw!

Dr Gaboose ayaa ku siidaray “”Mucaaridkii Tolaay Ayay Wadaan, Madaxweynuhuna Waa Nin Kal Adag Oo Sharciga Ku Dhegan”

About The Author