Axmed Karaash oo shaqo kajoojin kusameeyey labo wasiir

12 July 2022 (Puntlandes) Madaxweyne Ku xigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa shaqo kajoojin kusameeyey labo wasiir oo kamid ah xubnaha Golaha wasiiradda dawladda Puntland.

Labada wasiir ayaa kala ah:

1- Xuseen Cismaan Luga-Toor oo ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waa mid kamid ah saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Deni, kana soo jeeda Gobalka Sool.

2- Axmed Yasiin oo ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, dhawaan ayaa lamagacaabay, kana soo jeeda gobalka Barri.

Bilo kahor Xil-ka qaadis Karaash kusameeyey 3 wasiir oo ah Saaxiibada dhaw ee Deni ayaa hirgali weyday, sidaas oo kale magacaabid Gudoomiye gobal iyo 18 Agaasime waaxeed ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday.

About The Author