Daawo Muuqaal Faysal Cali Waraabe oo kahadlay xaaladda Somaliland, eedayn culusna ujeediyey…..

13 Aug 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay mudaharaadkii dadku ku dhinteen kuna dhawacmeed kuwo ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Faysal Cali Waraabe ayaa yiri “Muuse Biixi, waa ninka maanta isagoo 7-qof dilay, 110-qof-na dhaawacay, haddana u hammuun-qaba dhiig..,”

Faysal ayaa ku sii daray “Dilalka xalay dhacay ee afka la duubtay, wax hore u jiri-jiray maaha, Haddii sharciga iyo kala dambayntu ay burburaan dilalku way dhacayaan..,”

Faysal ayaa wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo madaxweynaha ku eedeeyey inay rabaan inay Somaliland ka ridaan dagaal sokeeye wuxuuna yiri “Ina Kaahin-kii lahaa dadbaa laga keenay Xamar, waxba Xamar lagama keenin, hadduu Cirro doonayo in uu wax uu dilo waxaa jooga Mujaahidiintii reerkooda, laakiin arrintaasi waa xeelad la doonayo in annaga lanagu khaarajiyo..,”

About The Author