Sawirro: Wasiirka Dekedaha oo Imaaraadka kala wareegay deeq raashin ah

13 Aug 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Munaasabadda ayaa waxaa ku weheliyey wasiirul dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhanka kale sida ay wararka ku helayso Warbaahinta Puntlandes waxaa aad isugu dayey inuu deegdaan la wareego Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha C/raxmaan C/shakuur Warsame laakiin waxaa ku gacandsayray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

About The Author