Golaha Wasiirada XFS oo caawa meel-mariyay Hay’adda SODMA, & magacaabista

16 Aug 2022 (Puntlandes) Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa kulan ay caawa yeesheen ku meelmariyey in la shaqo galiyo Hay’adda SODMA (Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya) oo la sameeyey 2011-kii xiligii ay dhacday abaartii baahsanayd.

Golaha ayaa u codeeyey in Wasaaradda arrimaha gudaha ay maamusho dhammaan arrimaha Abaaraha iyo gurmadka, iyadana ay tahay in ay hoosyimaadaan dhinacyada ka shaqeynaya.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa isla kulanka Golaha u soo gudbiyay 5 Xubnood usoo, si ay u howlgaliyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA. Xubnaha ayaa kala ah:

1- Maxamuud Macalin- Gudoomiye
2- Axmed Cabdi Aden- Xubin
3- Cabdirashiid Maxamuud Xasan- Agaasime
4- Luul Calow Axmed- Agaasime
5- Cabdiriasaaq Axmed- Agaasime.

Guddigan ayaa kashaqeynaya isku duba ridka Gargaarka iyo Abaaraha wax ka qabashadooda, waxaana la shaqeynaya, oo xogaha ugudbinaya afar wasaaradood, Ergayga gaarka ah ee Abaaraha ee uu bishii May magacaabay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa caawa u sheegay golaha Wasiiradda in uu ilgooni ah kuhayo dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha iyo xatooyada Xoolo dadweyne.

Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo hadlay ayaa sheegay in Abaarta dhacday hadda ay Macluul isku bedelayso bisha September-2022 ee nagu soo wajahan.

About The Author