Xukuumadda Somaliland oo ogolaatay inay bixiso magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii Somaliland ka dhacay

16 Aug 2022 (Puntlandes) Xukuumadda Somaliland ayaa ogolaatay in ay bixiso magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii dhawaan Somaliland ka dhacay sida ay sheegeen guddi bilaabay in ay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.

Sidoo kale dadkii Ku dhaawacmay ayay sidoo kale Xukumadu balan qaaday in ay bixin doonto kharashka ku baxaya daawayn tooda.

Maalinta berri ah ayaa Aas Qaran loogu samayn doonaa Hargeysa saddexdii qof ee Hargeysa ku dhintay sida musharraxa xisbiga Waddani sheegay.

Kulan dhex maray madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsatada waa weyn ee Somaliland ayaa is afgarad ku soo dhamaadey, iyadoo guddi ganacsato la filayo inay dhex dhexaadin ka dhex bilowdo xukuumada iyo mucaaridka.

About The Author