Sawirro +Dhageyso) Puntland oo ku dhawaaqday in ay maalinta Barito Tahay Ciid iyo madaxweynaha oo hambalyo udiray ummadda reer Puntland

0

Garowe (Pes) Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowladda Puntland ayaa Goor dhaweyd ku dhawaaqday in Maalinta Bari ah ay tahay Ciid.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame oo Warbaahinta kula Hadlay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa sheegay in meelo badan oo Puntland ah laga arkay Bisha.
Ka dib ayaa Madaxwaynaha Puntland Dr. Gaas waxa uu shacabka Puntland iyo Dhamaan umadda muslimiinta ah ugu hambalyeeyay Bilashada Bisha,isagoona Alle uga baryay in Caafimaad ay ku ciidaan musliminta oo idil.
‘’Waxaan ugu hambalyayna umadda Maalinta Ciida,waxana ilaahay uga rajaynayaa dhamaanteenba in guul bash bash iyo bar waaqo aanu ku gaarno Sanadka danbe,intii dhimatay oo aan ognahay in ay kujireen dad nagu qaali ah ilaahay ha unaxariisto’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Gaas iyo wasiirka.

 

 

 

372

373

374

375

376

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *