Qaybinta Kaararka Codbixinta oo Puntland ka bilaamaysa

23  Apr 2023 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, (TPEC), ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay qaybinta kaararka Codbixinta ay Puntland ka bilaabanayso.

TPEC ayaa sheegay in maalinta beri ah oo ku beegan 24 April 2023 si rasmi ah ay uga bilaabanayso Gobolada Bari, Gardafuu, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan qaybinta kaararka codbixinta.

TPEC ayaa codbixiyayaashii is diiwaangelisay fartay inay Deg-deg ugaaraan goobtii ay u doorateem inay ka codeeyaan.

Qofkii aan qaadan kaarka codbixinta ma codeyn-doono maalinta doorashada, sidoo klae TPEC ayaa hoosta ka xariiqday in aan qofna qof kale u qaadi karin kaarkiisa codbixinta.

Dhanka kale Kaar qaybinta ayaa waxay Gobol walba ka soconaysaa 10 Maalmood.

Sidoo kale qaybinta kaararka Codbixinta ayey TPEC ka bilaabanaysaa gobolada Nugaal 26ka bishaan halka Mudg na uu ka bilaabanayo 28ka bishaan.

About The Author