Sawirro: Madaxweyne Deni oo aan khud u jeedin shacabka Puntland Salaadii Ciidul Fidriga

21  Apr 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan khud u jeedin shacabka Puntland Salaadii Ciidul Fidriga, isagoo salaadda kula Tiukaday Garowe.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, sidoo waxaa ku weheliyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Waa markii ugu horaysay oo madaxweyne Deni salaad Ciideed ku tukado Puntland intii uu xilka hayey oo ku dhow 5 sano.

Sidoo kale waa markii u horaysay oo madaxweyne Puntland uusan munaasabad Ciideed u jeedin khudbad uu uga warbixinayo shacabka Puntland xaalada dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu madaxweyne Deni heshiis la soo galay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh…

About The Author