Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Deni oo ka horyimid go’aamadii ay gaareen madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

30 May 2023 (Puntlandes)Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka horyimid go’aamadii ay ka soo baxay shirkii madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, isagoo sheegay in ay halis galiyeen Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii hore waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka, Haddii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan”

Madaxweynaha ayaa ku daray “Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay oo mudo haystay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah, 1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danbeeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah hadana sabab loo bedelo ma muuqato.

Ififaalaha uu madaxweynuhu u dhaqmayo waan arkaynay, awalna wuu baabi’iyay xafiiska awood qaybsigga ee raysal-wasaaraha oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiro, Waxaa jira Baarlamaan 2 Aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay baarlamaankaas in 2 qof say doonaan aysan ka yeelin dalka, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay.”

Deni ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uu farayo in ay Puntland si gaar ah u dhaqato inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo, Puntland-na qayb kama aha arimahaas.

About The Author