WAR DEG DEG AH: Wasiirkii Cadaaladda Puntland oo is casiley

 

126b

13 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu is casiley. Shir jaraa’id oo uu ku qabtey xafiiskiisa magaalada Garowe. Wasiirka ayaa si rasmiya u sheegay inuu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee Xumuukada uu hogaamiyo madaxweyne Gaas.

Wasiir Warsame ayaa saxaafada u sheegey in 8dii bilood ee ugu dambeysay uusan fiicnayn xiriirka isaga iyo madaxweynaha Puntland kadib markii mushahar la’aan lasoo gudboonaatey ciidamada Asluubta. Iscasilaada wasiirka ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filayey maalmahaan iskushaandhenyn lagu sameynayo golaha wasiirada Puntland, uuna ka mid ahaa wasiirka wasiirda la saadaalinayey in uu madaxweyne cabdiwali Maxamed cali Gaas xilka ka qaadidoono

Puntlandes,com

About The Author