Qurba-joogta Puntland ee Finland iyo Ireland Ayaa Ka Qeygalay Shir Caalami Ah

13 jun 2015 (Puntlandes) Jaaliyadaha Reer Puntland ee Finland iyo Ireland ayaa ka qeyb galay, shir caalami ah oo looga hadlayay danaha iyo xiriirka qaaradaha Yurub iyo Afrika oo ka dhacay wadannka Austria xaruntiisa Veinna. Shirka waxaa kaso qeybgalay wasiiro ka kalayimid Africa iyo Yurub, Madaxada Horumarinta iyo Maalgashiga Yurub iyo Qaramada midoobay iyo khuburo caalamiya.

 

Shirka waxaa looga hadlay sidii Afrika loogu samayn lahaa maalgashi caalami ah loona horumarin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada qaaradooda iyadoo lala kaashanayo Qurbajoogta Afrika ee ku nool Yurub.

Labada jaaliyadood ee reer Puntland ee Finland iyo Ireland oo Shirka ay uga qayb galeen Wakiilka Puntland ee Finland Abdifatah janagale iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Ireland ayaa soo bandhigay Sida uga haboon ee loo maal gashan karo Afika iyo sida loo horumarin karo xiriir dhow oo wada shaqayneed iyadoo loo marayo qurba joogta Afrika ee Yurub. Madaxada labada jaaliyadood ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah laqaatay madaxdii kasoo qeybgashay shirka iyagoo kala hadlay sidii iskaashi wada shaqayneed iyo mid maalgashiba loola samayn lahaa Puntland iyo Somaliya inteeda kale.
Shirka ayaa is afgarad iyo guul kuso dhamaday Shirka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta UN ka ee Veinna.
Puntlandes.com

About The Author