Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Kalluumaysiga Puntland oo lagu soo dhaweeyey Laascaanood

17 Sep 2023 (Puntlandes.com) Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Waasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda Puntland Dr Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood.

Shacabka magaalada ayaa wafdiga wasiirka uga hortagay duleedka magaalada, iyagoo si diiran ugu soo dhaweeyey.

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa la kulmay Hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo iyo sidoo kale isimada dhaqanka SSC-Khaatumo oo ay iska xog waraysteen xaalada guud ee SSC.

Waftiga wasiirka oo soo indho indheeyey xaaladda guud ee magaalada, qaybna ka qaadan doona dib u dhiska kaabayaasha arimaha bulshada.

About The Author