Muuqaal-Sawirro: Hadaljeedintii madaxweyne i Deni oo furay bandhigga buugta Nugaal

01 Nov 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay bandhigga buugta ee Nugaal, Kaasi oo ay sanadka kasoo qeybgaleen qoreyaal iyo aqoonyahan isaga yimi dalka iyo dibeddiisa. Bandhigga oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa sidoo kale ka qeybgalaya dhallinyaro hal abuurkooda soo bandhigayo iyo xarumo ganacsi oo muujinaya horumarkooda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay bandhigga buugta Nugaal iyo hal abuurka dhallinyarada ka qeybgalaya, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dowladda Puntland ay Garoowe ka dhisayso xarun Cilmi Baaris iyo Maktabad taasi oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday hal abuurka lagu soo bandhigay Munaasabadda , isagoo dhiirigeliyay dhallinyaro hal abuur farsamo soo bandhigay oo uu ku jiro wiil Diyaarad sameeyay. Wuxuu muujiyey in ay Dowladdu garab istaag u sameynayso wixii suuragal ah dhallinyarada dadaalaysa.

About The Author