Ergayga UN ee Soomaaliya oo MD Deni kala hadashay inuu qabto doorasho heshiis lagu tahay oo la isla ogol yahay

12 Nov 2023 (Puntlandes.com) Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang ayaa kahadashay inay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ay kala hadashay inuu qabto doorasho heshiis lagu tahay oo la isla ogol yahay, sida lagu daabacay bogga ay Facebook ku leedahay UNSOM.

Qoraalka ayaa lagu yiri ”Iyada oo xoojinaaysa wada shaqaynta joogtada ah ee ay la leedahay dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa u safartay Garoowe si ay ula kulanto Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada. Waxay sidoo kale la kulantay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka iyo wakiillada bulshada rayidka.”

Sidoo kale qaxaa qoraalka lagu yiri ”Kulanka ay la qadatay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Golihiisa Wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha doorashada Puntland, xiriirka Puntland iyo DFS iyo xaaladda Laascaanood. Catriona Laing ayaa Puntland ku ammaantay doorashadii golaha deegaanka ee bishii May ee sanadkan balse waxay xustay in aan la isku raacsanayn habraaca doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha xiligaan. Waxay ku boorisay in lawada hadlo lana xaliyo mashaakilaadka taagan si Puntland u adkayso safarkeeda dimuqraadiga ah.”

About The Author