Sawirro: Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo Mucaaradka Puntland kala hadlay khilaafka doorashada…

03 Dec 2023 (Puntlandes.com) Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambs. Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Garowe shalay ayaa kulan la qaatey Daladda Mucaaradka Puntland.

Safiirka oo ku hawlanaa dejinta khilaafka ka taagan doorashada Puntland ayaa Daladda Mucaaradka kala hadlay aragtidooda ku aadan khilaafka jira sidii xal looga gaari lahaa.

Daladda ayaa Safiirka la wadaagtay in Doorashadada madaxtinimada Puntland wakhtigeeda la qabto meeshana laga saaro aragtida muddo kororsiga oo ay ku eedeynayaan xukuumadda wakhtigeedu sii dhammaanayo.

Safiirka ayaa shalay madaxtooyada kula kulmay dawladda iyo Ururada ay bahwadaagta yihiin, sidoo kale wuxuu xarunta UNSOM kula kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ee PUNSAA, PDRC iyo Hay’adda Qurbo joogta Puntland (PDF), isagoo kala hadlay aragtidooda sidii xal loogu heli karo khilaafka.

About The Author