Gudoonka Golaha Shacabka oo ka laabtay uyeeristii Wwasiir Fardowsa & CC oo kahadlay…

09 Mars  2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban uga falceliyey ayaa si adag uga hadlay in gudoonka Golaha Shacabku ka laabtaan kulankii berri dhoici lahaa oo ay ugu yeereen wasiirka Gaadiidka Fardowso Cismaan Cigaal.

Fardowso ayaa saaka looga yeeray baarlamaanka, si wax looga weydiiyo dhibaatadaas, gaar ahaan lacago 9 dollar ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka.

“U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa ku yiri qoraalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in haatan la baajiyay u yeerista wasiiradda, taas oo uu ku tilmaamay in dhaawac iyo sumcad xumo ku tahay Golaha.

“In Golaha Shacabka uu si rasmi ah kulan ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in si cad loo jebiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaalla baraalamaanka ee ku aadan la xisaabtanka Golaha Wasiirada.

“Waxaa si cad loo jebiyey Qodobka 69aad ee Dastuurka iyo 59aad ee xeerhoosaadka Golaha shacabka ee la xisaabtanka Xukuumadda” ayuu mar kale yiri.

Xildhibaanka ayaa intaas kusii daray “Qof dastuurka magansaday,Sharcigana dabiib biday, Oon xeer difaacayn, Awoodaha dulsaarka ah ,Maxaa uga damiin noqon, Mar- hadii rag doobshaa,Guddun daabka haystaan, Jarta meehsay doonaan!”

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, ayada  saameyn xoogan ay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka Aadan Cadde ku yeesheen lacagaha cusub ee lasoo rogay, iyada oo shacab fara badan ku xanibmeen garoonka qeybta Local-ka.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeyay wasaaradda gaadiidka iyo shirkaddaha diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticket-ka iyo in aan lagu kordhin, ayada oo xogta dadka dhoofaya loo dhiibayo shirkad gaar ah, taasi oo iyaduna aad uga soo horjeeda nidaamka amniga iyo kalsoonida dadka dhoofaya.

About The Author