Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka PL oo xilka loo dhaarshay lana wareegey maanta

165b

2 july 2015 (Puntlandes) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Mudane  Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta lagu dhaariyey Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe. Munaasabada dhaarta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxweyne Gaas ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub in uu si hufan oo daacadnimo ku dheehantahay u guto waajibaadka shaqo ee horyaala.

Wasiirka cusub Mudane Cali Cabdllaahi Warsame ayaa isna dhankiisa madaxweynaha uga mahadceliyey xilka uu u igamaday , waxaana uu balan qaaday inuu sii wadayo howlaha shaqo ee ay shacabka reer Puntland u hayso wasaaraddda deegaanku.

Dhanka kale isla maanta ayuu si rasmi ah xilka ula wareegey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Mudane Cali Cabdullaahi Warsame. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxay ka dhacday xarunta Wasaaraddaas ee Garowe, waxaana kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ka socdey madaxtooyada. Wasiirka cusub waxaa xilka ku wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Faarax Cali Cabdi. Faarax ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda muddadii sanad iyo barka ahayd ee ay jirtey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ka mahadceliyey qaabka xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday in uu  ku dadaali doono sidii loo baahin lahaa shaqooyinka ay Wasaaradda Deegaanku qabato.

Waa kuma Wasiir Cali Cabdullaahi Warsame?

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Mudane  Cali Cabdullaahi Warsame ayaa lagu wadaa in uu wax wayn ka bedalo wasaaraddaas loo dhiibay isagoo lagu yaqaan shaqo wanaag iyo hawl karnimo.

Wasiir Cali Cabdullaahi ayaa waxaa uu baal dahab ah ka galay wasiirada soo maray dawladda Puntland isagoo  shaqo aad u wayn ka qabtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo la oran karo wuxuu ka soo qaaday meel cidlo ah wuxuuna gaarsiiyey meel heer sare ah intuu xilkaas hayet dawladdii uu madaxweynha ka ahaa Dr Faroole.

Isku soo duubo Puntland waxay u baahan tahay Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta oo taaba qaada si wacana hawsha ay u xilsaaran tahay u gudata Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland waxay u baahnayd Wasiir Cali Cabdullaahi oo kale ah oo dhaqaajiya.

Ugu dambayn bahda Warbaahinta Puntlandes waxay u hambalyeynayaan Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland oo heshay wasiirkii dhaqaajin lahaa, maxaa yeelay Degaanka Puntland wuxuu u baahan yahay Qorshe fog iyo mid dhow oo dib loogu soo noolaynayo degaanka Puntland.

Puntlandes.com

 

 

About The Author